Monday, July 14, 2025

Senator Siciido Xasan: Saddex Rag ah oo la tartamay & Saddex wareeg kadib guul cajiib ah

Loolan adag iyo cod bixin saddex wareeg qaadatay ayaa lagu guuleystay kursigii 10-aad ee Aqalka Sare ee Federaalka oo baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen.

Siciido Xasan Cismaan ayaa ku guuleysatay kursigan, iyadoo ka adkaatay saddex musharaxiin rag ah oo kula tartamay kursiga, isla markaa saddex wareeg la isla gaaray, wuxuuna ahaa kursigii ugu adkaa intii ay socotay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Puntland u coddeeyo maanta.

siciido
Senator Siciido Xasan Cismaan

Wareegii koowaad:  Waxaa tartamay musharixiinta kala ah:

  1. Axmed Cabdalla Tigaana
  2. Siciido Xasan Cismaan
  3. Siciid Maxamuud Aadan
  4. iyo Maxamed Maxamuud Cali Bile.

Wareega kowaad waxay kala heleen: Saciido :22 cod,  Axmed Tigaana:16 cod,  Siciid Maxamuud: 23 cod,  Maxamed Maxamuud Cali bile: 3 cod.

Wareega labaad: Waxaa ku tartamaya saddexda musharax ee ugu codadka batay oo ah kuwa ugu horeeya:

Wareegii saddexaad ayaa isna natiijadiisii ay noqotay:

Axmed Cabdalla Tigaana: 9 Cod
Siciid Maxamuud Aadan 20 Cod
Siciido Xasan Cismaan 35 Cod

Wareega saddexaad: ayaa lagu kala saaray Siciido Xasan iyo Siciid Maxamuud, waxaa ku guulaystay Siciido Xasan Cismaan oo heshay (41 cod), halka Siciid Maxamuud Aadan uu helay  (23 cod).

Siciido ayaa lagu xusuustaa khudbadii ay ka jeedisay Baarlamaanka Puntland, iyadoo tiri:

 

“Xildhibaanoow waxaa la idul saaray culeyska saddex rag ah ee iga dulqaada”

Markii ay Guuleysatay kadib ayay sheegtay inaysan qiyaasi karin dareenkeeda, lagana qaaday culeyskii oo ay u mahad celineyso Baarlamaanka Puntland.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON