Monday, January 30, 2023

Sh. Aadan Madoobe oo Go’aano cusub kasoo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta K/Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ayaa go’aanno cusub kasoo saray shirkii uu ku baaqay ee Dib u heshiisiinta K/Gabeed, kana dhici lahaa magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan madoobe oo 12-ka bishan Disembar gaaray magaalada Xudur, kadibna 14-kii bisha Disembar tegay magaalada Baydhabo ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Odayaasha iyo Qeybaha bulshada, kadibna wuxuu goor dhoweyd soo saatay go’aannada soo socda:

1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

Ad

2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

- Advertisement -

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,971FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,971FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!