Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa magacaabay Guddiga Farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.
Shirka oo lagu wado inuu Magaalada Baydhabo ka furmo 5-ta bishan Janaayo 2023, ayaa Guddiga farsamada ee la magacaabay waxaa ka mida siyaasiyiin la-taliyeyaal u ah Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno kasoo jeeda kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo qaarkood ku kacsan yihiin Madaxweyne Lafta-gareen.
Xubnaha Guddiga Farsamada ee Arrimaha Dib- u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ka kooban 7 xubnood, ayaa kala ah:
1. Yuusuf Hassan Isaak (Yusuf wadani)
2. Prof. Ibrahim Sheikh Abdiwahid
3. Dr. Abdirashid Xaaji Xasan Maxamed
4.Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow
5. Cali Cabdi Awaare
6. Ibraahim Cabdiqaadir Maxamed
7. Maxamed Ibraahim Barre
