Sunday, June 22, 2025

Sh. Aadan Madoobe oo waanwaan ka dhex wada Lafta-gareen iyo Musharixiinta Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay waanwaan uu doonayo inuu isugu soo dhoweeyo Madaxweynaha K/Galbeed iyo Musharixiinta Mucaaradka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay hoygiisa kulan kula qaatay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isgoo kala hadla khilaafka ka taagan K/Galbeed, Shirkii Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee la filayo in lagu qabto Magaalada Baydhaba iyo waanwaanta laga dhex sameeyo labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Aadan Madoobe uu dadaal ugu jiro kulan uu isugu keeno Musharixiinta K/Galbeed iyo Madaxweynaha xilka kororsaday ee C/casiis Lafta-gareen.

Ad

Siyaasiyiinta Musharixiinta ah ee K/Galbeed ayaa hore uga hor yimid shirkii uu ku baaqay Sheekh Aadan Madoobe, kadib markii uu waqtiga uu dhacayo ka dhigay xilli ka dambeeya mudaddii sharciga ahayd ee Lafta-gareen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON