Wednesday, July 2, 2025

SH/Hoose: Alshabaab oo laba weerar oo is-xiga ku qaaday ciidamada Danab & Wararkii ugu danbeeyay ee laga helay…

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu dagaal culus maanta ku dhex maray degaan u dhexeeya Afgooye iyo Wanlaweyn.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar dhabogal ah ku qaadeen gaadiid dagaal oo ay wateen ciidamada kumaandooska Danab, kuna socday saldhigga Ballidoogle, wuxuuna weerarka ku bilowday qarax, iyadoo kadibna dagaal toos ah oo culus uu dhex maray labada dhinac.

Qasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo gaadiid waxyeelo la gaarsiiyey. Wararka aya sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen askar ka tirsan labada dhinac, iyadoo dad shacab ahna ay ku waxyeeloobeen.

Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaas ku qabsadeen 3 Booyadood oo shidaal siday, hub iyo saanad ciidan, isla markaaba ay ku gubeen gaari uu saarnaa qoriga Zuu-ga ah, inkastoo aysan sheegin qasaare nafeed marka laga reebo inay dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidamada Danab.

Ilo ku ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalka looga dhaawacay qaar ka mida askartii la weerarray, ayna dib u celiyeen maleeshiyadii Alshabaab ee weerarka soo qaaday, iyadoo magaalada Muqdisho loo soo qaaday askartii ku waxyeelowday weerarka.

Dhinaca kale maleeshiyo kale oo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday Mukayga Afgooye, weerarkaas oo ahaa raacdo-reeb, si looga hor istaago inay gurmadaan ciidamada dowladda, iyadoo qasaare aan la shaacin uu dhaliyey weerarka dambe.

Weli war rasmi ah kama soo bixin taliska ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku saabsan labada weerar ee Alshabaab ku qaaday ciidamada dowladda iyo qasaaraha ka dhashay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON