Sunday, July 13, 2025

Sh. Max’ed Shaakir: “Ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka ayaa weerar kusoo qaaday xarunta INJI”

Sheekh Maxamed Shaakir madaxweynaha Galmudug ee Ahu suna magacawday ayaa shaaciey inay ciidamada dowladda Soomalaiya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb weerar ku qaadeen xarunta INJ ee Ahlu suna fadhiga u ah.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shaakir ayuu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay maalmihii lasoo dhaafay colaad hurin ka waday magaalada Dhuusamareeb ayna xadgudub kula kaceysay culimada Ahlu suna ee degaanka oo uu sheegay inay naf iyo maal u hureen degaankaasi.

“Waxaan caddeyneynaa in ciidamo ka amar qaata dowladda federalka ay weerar bareer ah ku soo qaadeen xarunta INJI oo ay ku sugan yihiin hoggaanka ASJ taasoo marqaati u ah sida dowladda Federaalka uga go’an tahay la dagaalanka naf iyo maal u huray xoreynta Alshabaab..” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir oo intaas ku daray inay dowladda Soomaaliya abaabul ciidan ka wado Dhuusamareeb.

Wararkii ugu danbeeyay ee saaka ayaa sheegaya inay mar kale rasaas ka bilaabatay magaalada, taasoo ay isweydaarsanayaan labada dhinac.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON