Dad shacab ah oo laga burburiyey dhisme ku yaalla Xaafadda Carafaar ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa dacwad ku soo oogay Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhowaan amray in la burburi dhisme ku yaallay garoonkii Jeenyo.
Dadkan ganacsato iyo waxgarad isugu jira ayaa saxaafadda la hadlay iyadoo soo bandhigay sharci ay dhulkaasi u heysteen, waxayna caddeeyeen in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) uu shaqsiyan ku qancay sharcigooda, haddana uu si degdeg u fuliyay burburinta dhismahooda.
Dr. Aweys Cali Siyaad oo ku hadlay magaca dadka leh dhulkaasi ayaa ku eedeeyay guddoomiye Yariisow inuu hantidooda si sharci darro ah ku burburiyey, iyadoo aan la siin waqti, xilliguna uu ahaa Ciid.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeed ay soo saareen
Cabsho bururin hanti iyo dhul gaar looleyahay
Annagoo ah muwaadiniin dhibanayaal ah, kuwasi oo laga bur-buriyay hanti, iyo dhulal ku yaalla xaafadda Carafaat ee Dagmada Yaaqshiid, waxaan u sheegaynaa Madaxda Dowladda Fedaralka Soomaaliya, iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed qodobada soo socda, kuwaasi oo ku saabsan dhulka lagu hayo bur-burinta iyo boobka ee aan kor kusoo xusnay.
Waxaan si ay kalsooni ku dheehan tahay, u cadeyneynaa in dadka laga bur-buriyay hantidooda laguna takrifalay dhulkooda ay u haystaan sharciyo iyo dukumentiga lahaansha dhulkaasi kaasi oo si sharci ah u soo baxay xilligii Dowladdii Maxmed Siyaad Barre.
Dhamaan sharciyadda lahaanshaha dhulkaasi waa mid laga helayo diiwanka dhulka ee dowladda hoose. Dhulkaan dhismihiisu waxa uu heestaa fasaxa dowladda hoose ee Xamar.
Dhulkaan iibsashadiisa waxaa lagu kala wareegay nootaayinka sharciga ah sida nootaayada Amiin Xasan Cadde.
Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxman Cumar Yariisow qiray sharci ahaansha dukumintiyada dhulkaan.
Haddaba waxaan madaxda dowladda sida madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamanka iyo ra’iisul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha iyo dhammaan hay’adaha cadaaladda ka codsaneynaa in ay soo farageliyaan boobka iyo burburinta lagu hayo dhulkeenna.
Ugu dambeyn waxaan mar kale caddeyneynaa in aan ku kalsoonnahay in lagu kala baxo sharciga diyaarna u nahay waxa uu sharciga go’aamiyo.