Guddiga Maamulka doorashada Beelaha Banaadiriga ayaa shaaciyay qabashada 5 kursi oo ay ku leeyihiin Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Muqdisho.
5-ta Kursi ee Beelaha Banaadiriga dhawaana doorashadooda la qabanaayo ayaa waxay kala yihiin.
1: HOP105 oo uu ku fadhiyo Jeylaani Nuur Iikar
2: HOP 265 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay lufti Sheekh Maxamed Cumar
3: HOP 266 oo ay ku fadhido Biibi Khaliif Maxamed
4: HOP 034 oo uu hadda ku fadhiyo Khaalid Macow Cabdulqaadir
5:HOP 084 oo ay ku fadhiso Fahma Axmed Nuur.
