Tuesday, July 1, 2025

Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Diinta & Awqaafta Soomaaliya oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox bistoolado ku hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku dileen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta xukuumadda Soomaaliya.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Haanta-dheer, degmada Deyniile oo uu deganaa, waxaana rasaas ku furay dabley hubeysan oo toogasho ku dilay Maxamad Cabdi Oongooye. Waxaa goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay, iyadoo markii danbe ay halkaasi gaareen ciidamada amniga.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ninkan uu ka mid ahaa shaqaalaha wasaaradda, sida laga soo xigtay Wasiirka Sheekh Nuur Maxamed Xasan, wuxuna uu tacsi u diray ehelkiisa.

Sheekh Maxamed Cabdi ayaa sidoo kale ka mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaha ku yaalla Magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON