Iyadoo ay maamulka Madaxtooyada Soomaaliya la wareegeen maamulka cusub ee uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ballanqaad helay shaqaalihii uu qortay madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Agaasime ku xigeenka cusub ee Madaxtooyada Maxamed Amiin Sheekh – ayaa kulan uu maanta la yeeshay shaqaalaha Villa Somaliya u sheegay inaysan jirin shaqaale laga beegsan doono dhaqankoodii hore iyo arrimo siyaasadeed.
Wuxuu shaqaalaha Madaxtooyada u sheegay in guud ahaan shaqaalaha dowladdu ay yihiin adeegeyaal qaran, oon lagu beegsan doonin arrimo siyaasadeed, wuxuuna ku adkeeyey shaqaalaha Madaxtooyada in ay waajibaadkooda shaqo u gutaan si waafaqsan shuruucda shaqaalaha dowladda.
“Siyaasadda guud ee Madaxweynaha iyo tan Agaasinka Cusub waxa ay ku qotontaa aragtida guud ee ah Soomaali Heshiis ah Dunida heshiis la ah, taas oo aan rabno in ay ka hirgasho meesha ugu hooseysa ilaa meesha ugu sarreysa ee dowladnimadeenna. Howl-wadeen walba waxaa lagu qiimayn doonaa, lagu na dallacsiin doonaa dadaalka iyo waxqabadkiisa shaqo.” ayuu yiri agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Maxamed Amin.
Waxaa kulanka ka muuqday shaqaale aad u fara badan oo ah dhalinyaro da’ yar oon la ogeyn wax aay ka qaban jireen Villa Somaliya.




