Wednesday, June 25, 2025

Shaqaalihii maamulka Hawada Soomaaliya oo 22 sano kadib u soo wareegay Magaalada Muqdisho [Daawo]

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho u soo guuray Shaqaalihii ka shaqeynayay maamulka Hawada soomaaliya ee fadhigoodu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya tan iyo sanadkii 1995.

Shaqaalahan oo hoos taga Hay’adda maamusha Hawada Soomaaliya ee ICAO ayaa dib uga howlgeli doona xarunta Hay’adda Socdaalka Hawada ee Magaalada Muqdisho. Shaqaalaha maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho islamarkaana toos u degay Muqdisho ayuu sheegay in ay gaarayaan 34 Qof.

Wasiirka duuliska Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar,oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn islamarkaana wixii maanta ka dambeeya Hawada Soomaaliya laga maamulayo gudaha dalka.

Wasiir Oomaar waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in ugu dambeyn maamulka Hawada Soomaaliya laga maamulo Muqdisho,iyada oo dhamaadkii sanadkii hore la soo wareejiyay qalabka maamulka Hawada xariggana uu ka jaray Madaxweyne Farmaajo.

No automatic alt text available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON