Sunday, June 22, 2025

Shaqaaqo ka dhacday Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Wararkii ugu danbeeyay. (Sawirro)

Shaqaaqo dhalisay gacan-ka-hadal ayaa ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo la sheegay inay gacanta isula tageen ciidamo ka tirsan Nabadsugidda iyo shaqaalaha Hay’adda Socdaalka.

Arrintan ayaa dhalisay xaalad halis iyo shaqadii Garoonka oo istaagtay, waxaana burbur gaaray agabkii shaqada ee Garoonka iyadoo ay markii dambe halkaasi gaareen madax ka tirsan hay’adaha NISA iyo Socdaalka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keenay isu dhaca labada dhinac, waxaana qaar ka mida shaqaalaha Waaxda Socdaalka uu sheegay in ciidamo ka tirsan NISA ay xoog ku galeen goobaha shaqadooda ayna gacanta ula tageen shaqaalaha Garoonka ee hay’adda socdaalka.

Ad

Wararka ayaa sheegaya inay ciidamada NISA tacadiga u geysteen shaqaalaha Garoonka, kadib markii dad ajnabi ah oo u socday la diiday inay gudaha dalka u galaan inta laga hubinayo dokumentiyadooda, lana baarayo.

Waxaa jira dhaawacyo soo gaaray shaqaalaha oo qaarkood lagu ceyrsaday gudaha garoonka iyo Dhabbaha Diyaaradaha, waxaana garoonka ka dhacay fool xumo aan hore loo arag; iyadoo laba shaqaale la sheegay inuu dhaawacoodu culus yahay. Waxaa markii dambe ciidamada NISA laga saaray Garoonka markii ay tegeen Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Saraakiil kale, iyadoo xaaladda laga wada-hadlayo.

Arrintan oo markii ugu horeysay ka dhacday Garoonka, qeybta caalamiga ah ee Dibadda ayaa muujineysa fowdada ka jirta Isha dalka laga soo galo ee Garoonka Muqdish, taasoo ka dhalatay qalalaasha siyaasadeed iyo hoggaan xumida dalka.

May be an image of standing
No photo description available.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON