Shaqo joojin saacado kooban saaka ay ku dhaqaaqeen shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa la xaliyay.
Sida uu sheegay Agaasimaha Hogaanka Socdaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo ay soo xigtay SONNA waxaa arrinta dhex galay maamulaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Agaasime Koofi ayaa sheegay in shaqaalaha shaqo joojinta sameeyeen ay la fariisteen masuuliyiin uu kamid yahay maareeyaha Garoonka Aadan Cadde iyo mas’uuliyiin kale, laguna qanciyey in shaqadooda.
Shaqaalaha shaqo joojinta ku dhaqaaqay ayaa loo balanqaaday in si degdega loo sii doono xuquuqdii ka maqneyd, taasoo ay ogolaadeen.
Garoonka ayaa la sheegay in shaqadiisa ay dib u bilaabtay markii in ka badan saddex saacadood shaqo joojinta shaqaalaha ay saameyn ku yeelatay.
Hanti dhowrka guud ayaa dhowaan sheegay in Hay’adda Favori ee maamusha garoonka ay diiday in kormeer lagu sameeyo howsheeda iyadoo heshiiska ay dalka ku joogto aanay ka war heynin hay’adaha kale.
Goobjooge.com