Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynayaasha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.
Kulamadaasi ayaa lagu tilmaamay kuwo ahaa kala war qaadasho, waxayna ahayd markii labaad ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo C/weli Gaas ay kulmaan muddo bil gudaheed ah, iyagoo dhowaan kulan ku yeeshay dalka Sacuudiga, laakiin waxaa markan la socday Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.
Labada kulan ayaa ahaa kuwo ay albaabada u xiran yihiin oo ka dhacay Hotelka Kambiski oo xiligaasi ay wada deganaayeen madaxda Soomaalida oo dhan, sida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda kale.
Madaxweynaha hore ee Shariif Sheekh Axmed ayaa Jabuuti u tagey ka qeybgalka caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadad Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuuna wacadarro ka dhigay Hotelka ay deganaayeen madaxda Soomaalida iyo ajnabiga ah isagoo qaabilaadiisa saf loogu jiray, halka madaxweyne Xasan Sheekh aanay jirin cid dhinaciisa u socotay.
Shariif Sheekh Axmed oo mar kale u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkan 2016 ayaa la dareemayaa inuu culeys weyn ku leeyahay Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, taasoo aanu ku farxin madaxweynaha xilku kasii dhamaanayo Xasan Sheekh Maxamud oo raadinaya inuu dib u soo laabto, wuxuuna xaqiiqsaday miisaanka uu yeelan karo Shariif Sheekh Axmed.
Goobjooge.com