Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inay socdaan shirar ku saabsan xaaladda guddoomiye ku xigeenkii hore ee Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.
Madaxweyne dowladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhowr jeer shirar ka yaeshay waxa laga yeelayo Sheekh Roobow oo shalay la keenay magaalada Muqdisho.
Warar hoose ayaa sheegaya in is dhiibidda Sheekh Roobow uu si weyn uga shaqeeyay madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan oo hordhigay madaxda dowladda Soomaaliya inay xil sare u magacaabaan Sheekh Mukhtar Roobow ama uu maamulkiisa la shaqeyn doono.
Arrinta ugu adag ee hortaalla madaxda Federaalka ayaa ah waxa laga yeelayo ciidamada taageersan Sheekh Roobow oo gaaraya 400 maleeshiyo kuna sugan Gobolka Bakool.
Sheekh Muqtaar Roobow oo shalay la dejiyay xarunta weyn ee Hey’adda Nabadsugida ee loo yaqaan Habar Khadiijo, ayaa lasoo weriyay in caafimaad ahaan uu sheeganayo, isla markaana aanu diyaar u ahayn inuu warbaahinta la hadlo, isla markaana aanu diyaar u ahayn wax xil ah.
Goobjooge