Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mida Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib in ku dhow laba sano ayaa sheegay inuu rajo ka qabo doorasho si nabad ah ku dhacda.
Shariif Xasan ayaa sheega in Soomaaliya ay si dimoqraadi ah uga baxdo waqtiga kala guurka ah oo afartii sanaba ay doorasho dhacdo, haddana uu rajeynayo in Doorashada ay ku dhammaato si wadar ogol ah oo si nabad lagu kala wareego.
“Waxaa loo baahan yahay in Mandate cusub la helo oo umadda ku wada qanacdo iyo doorasho wadar ogol ah oo ay u si siman yihiin dowladda hadda joogta iyo dadka dibadda ka jira, taas ayaa heerkan lagu soo mama dhicin doorasho lagu murmo markii la heysto fursado isku mid ah..” ayuu yiri Shariif Xasan oo ku baaqay in Doorashada soo socota ay noqoto mid la isla wada qaato.

Shariif Xasan ayaa ka mida siyaasiyiinta ka mid ahaa dowlihii isaga danbeeyay dalka tan iyo snaadkii 2004 oo uu guddoomiye Baarlamaan ka noqday dowladii uu hoggaaminayey Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.