Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa go’aan ka soo saaray Doorashada Galmudug iyo halka lagu qabanayo, kadib markii uu magaalada Dhuusamareeb isaga baxay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Qoraal kasoo baxay Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa lagu taageeray go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ee ku saabsanaa in Doorashada Galmudug la qabto 4-ta July 2019, laguna qabto magaalada Dhuusamareeb iyo xarunta maamulka Galmudug.
Sheekh Axmed Shaakir ayaa ugu baaqay dadka Galmudug inay ka qeyb qaataan doroashada ay ku baaqday wasaaradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, lana ilaaliyo wadajirka iyo midmimada Galmudug.
Arrintan ayaa soo baxeysa, iyadoo madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu degaanka Godinlabe kasoo saaray qoraal uu ku sheegay inuu burburay heshiiskii uu la galay Ahlu suna, isla markaana doorashada Galmudug lagu qaban doono magaalada Cadaado.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
