Thursday, June 26, 2025

Sh. Nuur Baaruud oo xiisad ka dhex abuuray Baaralmaanka iyo xukuumadda [Ra’iisal Wasaaraha oo loo yeeray]

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo guddiga joogtada ah oo shir degdeg maanta isugu yimid ayaa ka dooday xiisad ka dhalatay hadal dhowaan kasoo yeeray Sheekh Nuur Baaruud.

Shirkan oo ay codsadeen qaar ka mida xildhibaanada ayaa markii uu qabsoomay looga hadlay sidii laga yeeli lahaa hadalladda kasoo yeeray Sheekh Nuur Baaruud oo ku saabsanaa xildhibaanada mooshinka wada.

Guddoonka iyo Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka ayaa isla gartay si degdeg ah loogu yeero Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si wax looga weydiiyo olole ka dhan ah xildhibaanada iyo kicin looga hor keenayo bulshada oo ay wadaan taageerayaasha xukuumadda Kheyre.

Ra’iisal wasaaraha ayaa gaaray xarunta Villa Baydhaba, halkaasoo shir gaara uu kula yeeshay Guddoonka Baarlmaanka iyo guddiga joogtada ah oo ka kooban guddoomiyeyaasha guddiyada Baarlamaanka Federaalka.

Xildhibaanada oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ayaa ku tilmaamay shirqool loo maleegay xildhibaanada oo ay wax ka og tahay xukuumadda Kheyre, waxaana Ra’iisal wasaaraha laga dalbaday inuu arrintan wax ka qabto, isla markaana raali gelin ka bixiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON