Wadaadka ka goostay kooxda Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo ciidamada ayaa taageersan ayaa iska caabiyay weerarkii ugu weynaa ee Alshabaab ku qaadeen xaruntiisa saaka.
Weerarka oo ka dhacay degaanka Abal ayaa la sheegay inay Alshabaab qabsadeen, balse maleeshiyada Alshabaab dib loo soo riixay markii ay gaareen dhinaca howdka degaankaasi oo Sheekh Roobow uu ku sugnaa.
Qorshaha Sheekh Mukhtaar iyo ciidamadiisa ku dagaalgaleen ayaa ahaa inay laba dhinac isu qeybiyeen, iyadoo Alshabaab ay dhinacyadaasi u kala qeybsameen kadiba dagaalamyaasha Sheekh Roobow ay iska caabiyeen qeybtii dhinacooda ku soo duushay.
Goob u dhow degaanka Abal oo Sheekh Roobow fadhi cusub ka sameystay ayay alshabaab weerarro i sxigxigay ku qaadeen, waxayna wararku sheegayan in saddex weerar oo is daba joog ahaa Alshabaab dib loo waabiyay, iyadoo qasaare lixaad leh la soo sheegayo inay labada dhinac soo gaareen.