Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo qoraal u diray Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia in ciidamadeeda ay rasaas ku fureen xarutiisa, isagoo ku micneeyay inay ahayd isku day lagu khaarijin lahaa.
Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Sheekh Maxamed Shaakir oo adeegsanaya madaxa xukuumadda Galmudug, balse u doodaya Ahlu suna ayaa lagu sheegay in xoogagga taaabacsan isaga ay muujiyeen is xakameyn iyo ka hortag colaad ka dhacda magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku eedeeyay dowladda in dowladda Federaalka ay ku dhaqaaqday tallaabooyin sharci darro ah oo ay ku magacaabeyso guddi doorasho iyo ciidamo ay ku daabushay magaalada.
Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay Dhuusamareeb ku soo daabushay ciidamada ay tababarreen, Mareykanka, Turkiga iyo Jabuuti iyadoo dooneysa inay ku maquuniso dadka magaalada iyo maamulkooda, taasina ay xaaladda uga sii dartay.
Beesha Caalamka ayuu ka codsaday Sheekh Maxamed Shaakir inay xaaladda soo farageliso si loo baajiyo colaad ka dhacda Dhuusamareeb, loogana hortago xaalado la mida sidii Doorashooyinkii Baydhaba iyo Kismaayo.