Sheekh Maxamed Shaakir ayaa saxaafadda la hadlay, kadib markii lasoo afjaray dagaalkii magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna caddeeyay inay u tanaasuleen shacabka, ayna mas’uuliyadii degaanadaasi ku wareejiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan ka caddeynaynaa in dhibaatooyinkii ka dhacay caasimadda waxaan go’aansanay inaan tanaasulo si aan u soo afjarno dhibaatada.. markii aan aragnay in dhibaato badan soo wajahan tahay.. hore ayaan dowladda Federaalka ugu dhiibnay amnigii Caasimadda, haddana waxaa laga rabaa inay qaado mas’uuliyadaasi.. dowladda ayaan ku ognahay iyada ayaan u dhiibnay.. tanaasulkaasi waxaan u muujinay shacabkeena daraadiis oo aan wax dhib ah aan la rabin..” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in amniga guud ee Galmudug uu saaran yahay dowladda Federaalka. “Waxyaabaha aan ku heshiinay waxaa ka mida in Jeneraal Mascuud uu la wareego ciidankii halkan joogo, mas’uulna ka yahay culimadii iyo amniga, isaguna uu mas’uul ka noqdo, isaguna uu damaanad qaday..” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb goor dhoweyd.
HOOS KA DAAWO