Sunday, July 27, 2025

Sheekh Shakuul: Ma Raacdo-reeb ayuu u ahaa Axmed Madoobe, mise Laba-shaatile siyaasadeed?

Dad badan ayaa ku wareersan shaqsiyadda Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ah wadaad ganacsade weyn ka ah dalka Kenya, isla markaana muddo laba jeer ah isu soo sharxay xilka madaxweynaha Maamulka Jubbaland, kadibna shaaciyey inuu u tanaasuley Axmed Madoobe.

Sheekh Shakuul waa wadaad aqoonyahan ah oo imaam iyo Khadiib kasoo noqday Al Faruq Islamic Centre ee dalka Mareykanka, waana milkiilaha Madina Mall iyo Eastleigh Mall oo ku yaala Magalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna qaraabo yihiin madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo lagu tiriyo kooxda Ictisaamka ee ah ex. Alitixaad.

Sanadkii 2013 ayuu isu sharxay xilka madaxweynaha Jubbaland, wuxuuna sheegay inuu la tartamayo Axmed Madoobe, balse markii dambe waxaa la waayey meel uu ku danbeeyay, kadibna waxaa la arkay isagoo sheegaya inuu u tanaasulay Axmed Madoobe. balse mar danbe ayuu sheegay in doorashada la qabtay iyadoo musharixiin uu ka mid yahay aanay ogeyn oo la boobay doorashadii.

Doorashadii ugu danbeysay Sheekh Shakuul wuxuu ka mid ahaa xubnaha ug firfircoon Isbaheysiga isbedeldoonka ee ka horjeeda Axmed Madoobe, wuxuuna u noqday afhayeen si weyn uga horjeeda Axmed Madoobee, balse markii la soo gaaray xilligii ugu adkaa ee garabka Axmed Madoobe ay diideen talooyinikii dowladda Federalka iyo Beesha Caalamka wuxuu qaatay mowqif ah in mucaaradkii Axmed Madoobe uu ka baxo, isagoo warbaahinta u sheegay in xal la raadiyo, waxa ay wadaan mucaaradkuna aysan suuragal ahayn.

Waxaa la sheegay inuu qeyb weyn ka qaatay kala jabka Isbaheysigii ka horjeeday Axmed Madoobe, intaasna kuma ekaane wuxuu sharci darro ku tilmaamay dhammaan madaxweynayaasha is magacaabay, halka uu la kulmay, haddana taageeray Axmed Madoobe, wuxuuna hadda noqday nin u ololeynaya sidii loo taageeri lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Arrimahan oo dhan waxay keeneen in su’aal la geliyo in musharax Sheekh Ibraahim Shakuul ay dhab ka ahayd labadii jeer ee uu xilka madaxweynaha Jubbaland isu sharxay iyo inuu ahaa Ganacsade taageersan Axmed Madoobe iyo Wadaad la dhacsan siyaasadaha dowladda Kenya oo raacdo reeb u ah Axmed Madoobe, balse ku shaqeynaya la-wejiilenimo siyaasadeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON