Tuesday, July 1, 2025

Sheekh Sharif: “Dowladda haddii ay ku fikireyso dowlado shisheeye inay dalka u qabanayaan, nalama qabsan karo”

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowldda hadda jirta uu waqtigeeda gabagabo yahay, isla markaan aysan muuqan meel loo socdo iyo in Doorasho la qabanayo.

Isagoo ka hadlayey xaflad madashiisa u sameysay munaasabadda 1-da Luulyo ayuu sheegay in Guddiga Doorashada waxba gacanta ugu jirin sida Dhaqaale, Amni iyo heshiis siyaasadeed, micnuhuna yahay inaysan Doorasho dhici karin.

“Ninka ku fekeraya innuu Doorashadii faraqa ku heysto uma shaqeyneyso.. Raggaan haddii ay afar sano wax ku keeni waayeen miiska ha iska saareen… Dowladda haddii ay ku fikireyso dowlado shisheeye ayaa dalka kuu qabanayaan, nalama qabsan karo, haddii ay ku fikirayaan Ciidamada ayaa idin tababarran, kuwo kale aya idin imaanaya, AMISOM ayaa idiin joogta waa mustaxiil. Annaga sharciga ayaa na qaban kara. Dastuurka ayaan ogol nahay, qori ma rabno, qeylo ma rabno, waa kan xildhibaannada ku yimaadeen, kan madaxweynaha lagu doortay..” ayuu yiri Sheekh Shariif

Sheekh Shraiif wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan yihiin in lagala hadlo waxa ay tabanayaan, heshiis qaran-na la gaaro si looga gudbo xaaladda lagu jiro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON