Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan gaara ku yeeshay Hotel ku yaalla Gudaha Xalane ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa ahaa mid gaara oo aanay cidna ku wehlin labada mas’uul, waxaana goobta uu ka dhacay degay Madaxweynaha Hirshabeelle, sababo aan la ogeyn dartood, iyadoo uu caadiyan hore u degi jiray Hoteelada caasimadda.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu soo koobay: “Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed”
Musharax Shariif Sheekh Axmed ayaa isugu sheegay inuu kulan gaar ah Muqdisho kula qaatay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, ayna kak wada hadaleen arrimaha Doorashooyinka iyo xaaladda Guud ee Hirshabelle.
“Waxaan u xaqiijinnay in aan la garab taagannahay taageeradeena si loo xaqiijiyo Hirshabelle horumarsan iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Cali Guudlaawe la sheegay inuu soo xulista iyo is doorashad Guddiga Doorashada Hirshabelle u maamulay si ay aad uga xumaadeen Musharixiinta madaxweynaha.
