Wararkii ugu danbeeyay ololaha doorashada ee caawa ayaa sheegaya in laba ka mida musharixiinta madaxweynaha ay heshiis awood qeybsi ah wada gaareen.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo ay wada galeen heshiis ay inay wareega labaad isu tanaasulaan oo ciddii cod badisa la taageero.
Farmaajo ayaa noqon doona Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya haddii uu guuleysto Shariif Sheekh Axmed, waxana isbaheysigan ku biiraya musharaxiin kale oo dhowr ah.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu heysto 60 xildhibaan oo labada gole ah, halka Farmaaji isna uu sheegay inuu heysto 40 xildhibaan oo labada gole ka tirsan, waxayna isu geyntooda noqoneysaa 100 xildhibaan oo aan wax guul ah lagu gaari karin.

Rajo xumida heysata labadan musharax ayaa keentay inay isbaheysi ka raadiyaan musharixiin kale iyadoo ay diidaan musharixiinta ka soo jeeda Beesha Majeerteen marka laga reebo C/raxmaan Faroole.
Labada musharax ayaa rajeynaya inay soo jiitaan musharixiin kale oo xilka u taagan siiba 4 kamida oo heysta codad ku dhow 100, laakiin waxaa hortgaan caqabad beeleed, taasoo meesha ka saareysa in heshiiskan guuleysan karo.
Isbaheysiga Sheekh Shariif iyo Farmaajo ayaa ka dhigay in Soomaaliya dib ugu noqoneyso sanadkii 2011 markaasoo uu Farmaajo iska casilay xilka Ra’iisal wasaaraha dowladii KMG ahayd ee labada Shariif ay hogaaminayeen.
Goobjooge.com