Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa qaatay go’aan ah inuu codkiisa ku biiriyo baaqyada ah in degddeg loo qabto doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dalka.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu dalku ku jiro xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin, sida amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha Amniga ay uga guuldaraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday.
Sheekh Shariif ayaa ku dooday in hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida: IMF and World Bank ay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso: In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda Dalka iyo In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer.
“Waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya” ayuu baaqiisa ku yiri Sheekh Shariif oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha.
Wuxuu ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyadda doorashooyinka inay qaataan mas’uuliyadda, lana dhaariyo Xildhibaanada si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.