Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haddana ah Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno la socda ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Maamulka K/Galbeed.
Sheekh Shariif waxaa socdaalkiisa Baydhaba ku wehliya musharaxa Xuseen Cabdi Xalane oo xoghaye u ah Musharixiinta dhowaan ku shiray Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha Baydhaba kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed Cali Siciid Fiqi, mas’uuliyiin ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta K/Galbeed.
Sheekh Shariif ayaa kulan gaara la leh Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-garee), waxaana la sheegay inay ku saabsan yihiin xaaladda doorashada dalka iyo muranka ka taagan Guddiyada Doorashada.
Wafdiga Sheekh Shariif ayaa Madaxweynaha K/Galbeed ka doonaya inuu wax ka bedelo Guddiga Doorashada ee uu magacaabay, waxayna gaarsiinayaan Go’aanada kasoo baxay Shirkii Musharixiinta Mucaaradka ee magaalada Muqdisho.
Lafta-gareen ayaa ahaa madaxweynaha maamul Goboleedyada kaliya ee difaacay Guddiyada uu magacaabay ee Doorashooyinka, wuxuuna weerarray madaxdii hore ee dowladda Federaalka oo ka mida musharixiinta.
Socdaalka Sheekh Shariif ee Baydhaba ayaa imaanaya hal maalin kadib markii uu magaaladaasi booqday Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.




