Tuesday, July 1, 2025

Sheekh Shariif oo markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska Ikran Tahiil iyo Khilaafka Farmajo iyo Rooble

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo musharax Xilka Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil iyo khilaafka Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sheekh Shariif oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, lana hadlay Warbaahinta tacsi u diray Qoyska Ikraan Tahiil, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay ku timid mas’uuliyad darro weyn oo dalka ka dhacday.

Wuxuu Sheekh Shariif dalbaday in Cadaaladda la horkeeno dadka lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan dilka Ikraan Tahiil, isaga oo u mahad celiyay sida Dadka Soomaaliyeed u garab istaageen Qoyska Ikraan Tahliil.

Wuxuu xoogga saaray in Doorashada ay ku dhacdo habsami, isla markaana wuxuu caddeeyay inaysan jirin wax weyn oo la isku hayo, iyadoo waqtigii dowladda dhammaaday, laguna jiro Doorashooyinkii, wuxuuna ku baaqay in Doorashooyinka hore loo wado.

Sheekh Shariif wuxuu bogaadiyay maamulka Galmudug oo Alshabaab dagaalka kula jira iyo taageerada Puntland ay siisay maamulkaasi, wuxuu dhinaca kale Hirshabeelle ku amaanay inay soo saareen liiskii musharixiinta Aqalka Sare.

“Waxaa leeyahay Madaxda Qaranka, mas’uuliyad weyn ayaa idin saaran, haku gabagabeynina dagaal iyo khilaaf ee ku gabagabeeya inaad gacanta is qabsatiin, khilaafkiina xalisatiin doorashada sida loogu tala galay ay u socoto dhinaceena waxaa diyaar u nahay wax kasta oo keeni kara is faham iyo isu tanaasul..” ayuu yiri Sheekh. Shariif.

Wuxuu ka digay in khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu caqabad ku yahay Doorashada, isagoouga digay inay khilaafkooda dagaal ku gabagabeeyaan, balse ay xaliyaan arrimahooda Doorashaduna socoto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON