Tuesday, July 1, 2025

Sheekh Shariif oo taladii ugu fiicneyd siiyey Farmaajo. “Ra’iisul Wasaaraha ka daa faragelinta..”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay in wax aad loog xumaado ay ahaayeen wixii ka dhacay Villa Somalia.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Doorashooyinka socda ka rajeeynayeen inay noqdaan kuwa huufan oo xalaal ah oo keeni karta inay horay u socoto qaranimada Soomaaliya. “Arrin aan la fileyn ayey noqotay in Ra’iisul Wasaarihii loo xilsaaray doorashooyinka in la isku dayo in Shaqada si sharci darro ah looga saaro, xafiiskiisa laga xirto awood ciidana loo adeegsado”

Wuxuu ka digay in Ciidamada Qalabka sida oo adeegsado siyaasdda, balse loogu talogalay difaaca caddowga, Isagoo si toos ah ula hadlay Farmaajo ayuu u sheegay inuu k awaantoobo falalka uu ku kacayo.

“Farmaajoow qofka wax badan oo la xiriira doorashada heli kara waa adiga, ee Ra’iisul Wasaaraha ku garab sii, ee ka daa faragelinta, waxaa bannaanka jooga dad badan oo kula mida oo musharrixiin ah kuna qancay inay ka qeyb galaan doorashada, sidoo kale Ciidamada aalabka sida ha u adeegsan siyaasadda” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxu uu sheegay in loogu dulqaaday isagoo xilku ka dhammaaday inuu xafiiska soo joogo, laakiin aanay socon karin inuu hor joogsado Doorashadii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON