Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa beeniyey warar si weyn loogu faafiyey baraa bulahada maalmihii danbe oo ku saabsanaa muhsaraxnimada Beesha uu kasoo jeeda ee xilka Madaxweynaha.
Wararkaas ayaa lagu sheegay in Beesha Muddulood ay ku midowday inuu tartanka madaxweynaha u galo Shariif Sheekh Axmed, ayna u tanaasuleen musharixiinta kale oo uu ugu weyn yahay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay.Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar” ayuu ku yiri Sheekh Shariif qoraal uu soo saaray oo arirnaasi lagu beeniyey.
Sheekh Shariif ayaa dhowaan jufada uu kasoo jeeda ay siisay inuu artan la’aan ku qaato kursiga xildhibaanka ee uu hore ugu fadhiyey xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, laakiin arrrinta uu beeniyey ayaa ah inay u tanaasuleen musharixiinta kasoo jeeda Beesha Mudulood ee u taagan xilka Madaxweynaha, taasoo ah warar lagu faafiyey Baraha bulshada.
