Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Midowga Musharixiinta oo maanta Muqdisho kusoo laabtay ayaa sheegay inuu ka xun yahay dagaaladii ka dhacay Magaaladao, iyadoo Ramadaan lagu jiro.
Wuxuu sheegay in laga baaqsan karay dagaalka sababtiisuna ahayd Doorashadii ay ahayd inay 4-tii sanaba dhaco nasiib darro in lagu guuleysan waayey, muddo kororsi dhaco. “Ma aha wax ay sugayeen shacabka, xalku waa inuu siyaasi ahaado, xal milateri ma imaan karo ee waa in la helo wadahadal hab looga heshiiyo oo dalku doorasho ku aadi karo” ayuuna yiri.
Wuxuu mahacd celin u jeediyey Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamul Goboleedyada ka hor yimid muddo kororsiga. “Waaxan si gaaraa ugu mahad celinayaa Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada oo qaatay mowqif wanaagsan, marxalad adag, waxayna sabab weyn ku lahaayeen in halka xaaladda joogto inaysan dhaafin, waxaan ku dhiiri gelineynaa in arrintaasi la sii dardar geliyo..” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu farriin u diray Baarlamaanka isagoo u sheegay in muddo kordhinta ay sameeyaan ay dhalisay dhimasho, burbur iyo barakac; wuxuuna u sheegay inay ka shaqeyn inay dowladnimada meesha ka baxdo, dalkuna ay tahay inuu doorasho aado.
