Monday, August 4, 2025

Sheekh Shariif: “Weerarka waxaa amray Maxamed Farmaajo isagoo doonaya inuu na caburiyo..”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in weerarka ay ciidamada Dowladda ku qaadeen Hotelka Maa’ida ee ay degan yihiin uu amray Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in weerar gardarro ah ay nagu soo qaaday dowladda, iyagoo kusoo duulay Hoteelka Maa’ida oo aniga, Madaxweynihii hore Hassan Sheikh Mohamud iyo xubno kamid ah midowga murashaxiinta aan deganahay.” ayuu yiri Sheekh Shariif oo war kasoo saaray dagaal ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon.

Wuxuu Sheekh Shariif ku eedeeyay weerarka inuu amarkiisa bixiyey madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ” Weerarka waxaa amray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ee Maxamed Farmaajo isagoo doonaya in uu na caburiyo. xoogna uu ku muquuniyo shacbiga Soomaaliyeed ee doonaayo in aragtidooda udhiibtaan si nabad ah.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wada joogeen Sheekh Shariif ayaa iska caddeeyay in ciidamada dowladda ay weerar kusoo qaadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON