Thursday, June 26, 2025

Sheekh Shariif, Xasan Sheekh & Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Shir degdega uga socdo Muqdisho [Taageerada Axmed Madoobe..]

Waxaa xilligan shir uga socdaa magaalada Muqdisho madaxweynayaashii hore ee Soomaalyia iyo qaar ka mida siyaasiyiinta mucaaradka dowladda ee hoggamiya xisbiyada KMG ah, iyadoo shirkaasi looga hadlayo dhacdadii maanta Garoonka Muqdisho ku qabsaday Shariif Sheekh Axmed.

Siyaasiyiintan ayaa isugu tegay Guriga Shariif Sheekh Axmed oo hoggaamiya xisbiga Himilo Qaran, kadib markii diyaarad uu u raaci lahaa magaalada Kismaayo loo diiday inay ka duusho Garoonka magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeday ka qeybgalka xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe oo lagu wado inay 24-ka bishan ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Ergo ka socotay xukuumadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga ayaa raaligelin ugu tegay Sheekh Shariif, wuxuuna ku wargeliyey in arrintan dhacday aysan ahayn mid isaga loogu talogalay ee uu ahaa amar hore u soo baxay, wuxuuna sidoo kale u caddeeyay inaan magaalada Kismaayo la tegi karin.

Siyaasiyiinta shirka u socdo ayaa intooda badan hore u taageeray dib u Doorashada muranka badan ka dhashay Axmed Madoobe, waxayna ka qeyb galeen doorashadii halka dhinac ahayd ee Kismaayo uu ku qabtay Axmed Madoobe, waxaana la filayaa inay shir jaraa’id qabtaan ama war kasoo saaraan arrinta safarka Kismaayo iyo Caleemo-saarka Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaantay dib u doorashadii Axmed Madoobe, waxayna siyaasiyiinta ay ugu horeeyaan madaxweynayaashii hore iyo dowladda Federaalka isku hayaan taageerada Axmed Madoobe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON