Madaxweynihii hore ee dowladihii KMG ahayd ee Soomalaiya Xildhibaan Shariif Sheikh Ahmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uga digay inuu dalka ku kala qeybiyo rabitaankiisa Dastuur bedelka ah.
Sheekh Shariif ayaa eedo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh sida inuu ka shaqeynayo Qabyaalad iyo inuu lacag ku bixiyo in la caayo madax iyo siyaasiyiin, sida uu hore u sameyn jiray madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamd C/llaahi Farmaajo.
“Shalay aniga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiina kale ee mucaaradka ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneyna hannaankii doorashada inuu afduubtay, qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn . Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu sheegay inaan in xitaa haddii Dastuurka si aan sax aheyn ay Baarlamaanka u ansixiyaan aanu shaqeyn doonaan, isagoo quus ka muujiyay qancinta Xasan Sheekh.
“Muddo ayaan uga caqli celineynay sanad ka badan ayaan lahayn Madaxweynaha inuu ka joogo ummadda wax aysan u dhammeyn. Wax kasta waxaay gaareen hadda heerkii ugu hooseeyay oo qabyaaladii baa xoogeysatay, is aaminaadii ayaa hoos u dhacday. Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo laabo waddada saxda ah , dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin , wixii shalay aad diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto“ ayaa ka mid ahaa farriintii uu Sheekh Shariif u diray Madaxweyne Xasan Sheekh.