Tuesday, June 24, 2025

Sheekh Umal oo si kulul uga hadlay jideynta Gudniinka Dumarka iyo Arrinta ka dhacday Golaha Wasiirada Puntland

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa si adag uga hadlay Gudniinka Dumarka oo dood weyn dhowaan ka dhalatay degaanada Puntland.

Sheekha oo muxaadaro dheer ka jeediyey magaalada Nairobi ayuu ku faahfaahiyey sida Diinta islaamka u jideysay Gudniinka Ragga iyo Haweenka, gaar ahaan Dumarka oo diinta ku cad, wuxuuna sidoo kale ka hadlay sidii Gudniinka haweenka mashruux uga noqday maamulka Puntland.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhowana ansixiyey sharci xaaraan ka dhigaya Gudniinka hablaha nooc kasta uu yahay, waxaana arrintaasi ay dhalisay dood xoog leh oo culimada ka hor yimaadeen.

Muxaadarada Sheekh Umal oo cinwaankeedu ahaa: “Gudniinka Dumarka sida ay Culimada islaamka u caddeeyeen iyo sida ay u adeegsadeen inta Gaalo-raacyada ah”, ayaa lagu caddeeyay in arrinta ay wadato Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka Gaalada ah oo shilimaad looga qaato ujeedkuna uu yahay qorshe dheer.

“Ujeedku waa in mujtamaca islaamka la fasahaadiyo.. gabdhaha guryaha laga saaro, fitnada la furo.. Dadka waxaa ka shaqeynaya haddii aad ka towbad keeni weydaan, Alle agtiisa Cadaab ayaad ku leedihiin.. Cid kasta oo ka qeyb gashay jideynta wax khilaafsan Sharciga Alle waxaan idinku baaqayaa inaad ka towbad keenaan inta ay fursadu heystaan..” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Wuxuu Sheekhu uga digay kibirka iyo isla weynida kursiga lagu fadhiyo inaysan keenin inay ku adkeystaan denbiga ay ku jiraan, ama kasii darraan, nooc kastoo ay yihiin Wasiir, xildhibaan ama Madaxweyne.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON