Shiinaha ayaa maanta ka furtay dalka Jabuuti Aagga Ganacsiga Xorra ah ee ugu weyn Qaaradda Afrika, kaasoo noqonaya midkii ugu horreeyay ee Shiinuhu u ka furto Qaaradda Afrika.
Aagga Ganacsiga Xorta ah ayaa dhererkiisu gaarayaa 50 kilomitar oo isku wareeg ah kaaso noqonaya bakhaar lagu xareeyo badeecadaha iyo alaabaha la dhoofinaya. Waxaana la filaaya in aaga ganasiga xorta ah la geliyo ganacsi uu ku kacayo 7 bilyan oo doolar muddo 2 sanno ah iyo inuu dadka deegaanka siiiyo ilaa 15,000 oo fursado shaqo ah.

Munaasbadii furitaanka Aagga Ganacsiga Jabuuti ee xorta ah waxaa ka qeyb galay madaxda Dalal Afrikaan ah iyo kuwa deriska oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Suudaan, Madaxweynaha Rwanda, madaxweyanha Soomaaliya iyo guddoomiyaha midowga Afrika.
Aagan xorta ah uu Shiinaha maanta ka furtay dalka Jabuuti wuxuu ka qeyb yahay qorshaha cusub uu Shiinaha ku maalgelinaya ilaa 60 dal oo Afrika ay ugu horeyso, iyadoo Shiinaha saldhig military ku leh dalka Jabuuti.