Golaha Wasiirada xilka sii haya ayaa maanta shir degdega oo gaara yeelanaya, kaasoo goor dhow ka furmaya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa xalay farriintiisa loo diray xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana la sheegay inuu furmi doono 2-da duhurnimo, waxaana soo baxaya warar ku saabsan arrimaha looga hadlayo shirkan ee keenay in si degdeg ah loo qabto.
Wararka qaar ayaa heegaya in Madaxweyne Farmaajo uu tegayo kulanka Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, isagoo kala hadli doon arrimo xasaasi ah oo ku saabsan dhacdooyin ay ku kaceen qaar ka mida golaha wasiirada.
Farriinta kale ee saaka loo diray Golaha Wasiirada ayaa looga digay inay kasoo dib dhacaan waqtiga loo qabtay, waxayna fariintu u qorneyd: “Waxa Dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirrada lagu war-gelinayaa in Shirka Albaabada loo xiri doono oo aan la soo geli doonin wixii ka dambeeya saacadda 02:20 pm”
