Tuesday, July 15, 2025

Shir nooc cusub ah oo Garowe uga furmay Xukuumadda Puntland & Xubnaha ugu jira dowladda Federaalka

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya inuu halkaasi shir uga furmay Golaha Wasiirada Maamulka Puntland iyo xubnaha kasoo jeeda Puntland ee ka tirsan Golaha Wasiirada iyo labada aqal ee Baarlamaanka.

Shirkan oo la sheegay inuu yahay isla xisaabtan iyo xalinta eedo Puntland ka tirsaneyso dowladda Federaalka ayaa imaanaya kadib muddo 24 saacadood ah oo Garowe ay ka socdeen shirar lagu xalinayo khilaaf ka dhashay markii Ra’iisal wasaare Kheyre ka baaqsaday inuu dhagax dhigo Dekadda Garacad.

Shirka oo ka socda Hoolka Wasaarada Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa loo diiday saxaafadda, waxaana shira oo ay albaabadu u xiran yihiih ka qeyb galaya Wasiirada xukuumada Puntland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne C/weli Gaas iyo xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Federaalka ee ka soo jeeda Puntland oo uu horkacayo wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Wararkii ugu danbeeyay ee Garowe ayaa sheegaya in shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya uu maanta Duhurnimada ka furmayo isla hoolka Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Garowe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON