Waxaa weli magaalada Dhuusamareeb ka socda kulamo adag oo dhex maraya madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Maamul Goboleedyada dalka, iyadoo aanu weli furmin wejigii labaad ee shirka Dhuusamareb.
Shir qaatay in ka badan 6 saacadood ayaa habeenkii labaad xalay mar kale dhex maray madaxda Maamul Goboleedyada iyo madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo uu sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisal wasaaraha, waxayna wararku sheegayaan inaysan wax natiijo ah kasoo bixin.
Shirarkii xalay ayaa ilo ku dhow sheegeen in dooda ugu badan ay tahay Qodobka la isku mari la’ yahay ee qaabka ay noqoneyso Doorasho aan ahayn qof iyo cod iyo sida loogu qancin lahaa Madaxweyne Farmaajo oo cadaadis badan la la saaray, laakiin weli ku dhegan yahay Doorasho Qof iyo Cod ah ama mid u dhow.

Ma jiro weli heshiis aan ahayn in wadahadalku sii socdo oo lagu gaaray shirarka joogtada ah ee dhex maraya madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna doorka Ra’iisal wasaaraha hadda ku kooban yahay Goobjoognimo iyo marmar uu dhinacyada talo u jeediyo.