Sunday, June 22, 2025

Shirar is-daba joog ah oo ka socda Muqdisho iyo Xasan Kheyre oo la kulmay Sheekh Shariif & Xasan Sheekh

Shirar is-daba joog ah ayaa caawa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo musharixiinta xilka madaxweynaha ee mucaaradka ah ay u diyaar yaroobayaan shirka la filo inuu Berri furmo.

Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa tegay xarumaha madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan sheekh Maxamuud, wuxuuna kulan la yeeshay xubno uu ka mid yahay Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, waxaa sidoo kulan saddex geesood ah uu dhex maray Musharax C/kariin Xuseen Guuleed, Xasan Sheekh iyo Xasan Kheyre.

Wararka ayaa sheegay in qaar ka mida Madasha Xisbiyada Qaran ay ka hor yimaadeen inuu Xasan Kheyre ka mid noqdo Shirka Musharixiinta ee Berri furmaya, iyadoo ku heysta dhibaatadii ay mucaaradka kula kacday xukuumadii uu hoggaaminayey, waxaana socda wadahadallo arrintan lagu xalinayo.

Ad

Dhinaca kale waxa Muqdisho kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo madaxweynihii hore ee K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay xaalada doorashada dalka iyo muranka ka taagan.

Waxaa kaloo socda dadaal lagu doonayo in lagu heshiisiiyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Xasan Cali Kheyre, kadib tabasho uu muujiyey C/raxmaan C/shakuur.

Iyadoo madaxda mucaaradka iyo musharixiinta xilka Madaxweynaha ay Muqdisho wada yimaadaan ayaa caawa laga dareemayaa caasimadda inay gashay mashuul siyaasadeed iyo xaalad doorasho.

Image
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON