Waxaa magaalada Muqdisho ayaa Sabtida Berri ka furmaya shirweyne ay yeelanayaan musharrixiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka Madaxweynaha oo intooda badan hadda Muqdisho ku sugan.
Shirkan oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 10 musharax madaxweyne iyo mas’uuliyiin kale ayaa socon doona muddo 2 maalmood ah, waxaana looga hadlayaa qodobbo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda dalka iyo Habka Doorashada 2020/2021.
Ajendayaasha shirka waxaa ugu waaweyn isbaheysi ay sameysanayaan Musarixiinta xilka Madaxweynaha, ka hortagga nidaamka ay Doorashada ku wado dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo dhismaha Guddiyo shaqo oo taageero siiya musharixiintan.
Waxaa kaloo lagu wadaa inuu cadaadis xoog leh soo food saaro Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle si ay uga laabtaan guddiyada Doorashada ee ay magacaabeen.
Shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa xaalad cusub gelinaya magaalada Muqdisho oo dowladda Federaalka ay ka waday dhaqdhaqaaqyo doorasho oo iskeed ah markii ay magacawday xubnaha Guddiyada doorashada ee Heer Federaal iyo Guddiya xalinta Khilaafaadka.
