Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Xasan Cali Kheyre oo maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay haddii aan lagu heshiin Nidaamka Doorashada inuu dalku ugu jiro qalallaase.
Wuxuu khudbad ka jeediyey xarunta ololaha doorashadiisa, wuxuuna sheegay inuu la-tashi la sameeyay qeybaha kala duwan ee shacabka ayja u muujiyeen rajo ay ka qabaan dowladnimada daklka,. isagoo ku baaqay in doorasho loo dhan yahay oo la iska ogol yahay ay dalka ka dhacdo.
“Sidii aan xilka uga degay.. waxaan wada-tashi la sameynayay qeybaha bulshada.. Qof waliba oo Soomaaliyeed oo aan soo arkay wuxuu rajo ka qabaa dalkiisa. Cid kasta oo aan talo weydiiyey waxaa ka muuqata rabiraan in dalkan laga hirgeliyo dowladnimo waarta..” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre oo intaas ku daray intii uu Ra’iisal wasaaraha inuu ku baaqay in afartii sano ay dalka ka dhacdo Doorasho xor ah xalaal ah.
Mushaax Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay qalallaase ka dhasha doorasho aan raali laga ahayn. “Hadda ii aan lagu heshiin nidaamka doorasho oon lagu wada qanacsanaan lagu heshiin maayo dowladnimada kale.. waa inaan wax ka baranno dalalka deriska ah sida Itoobiya oo qalallaasaha hadda ka taagan uu salka ku hayo doorasho dib loo dhigay..”
Wuxuu ku baaqay in si looga fogaado qalalalase dalka ka dhaca iyo inaysan dowladnimada gadaal ugu noqon ay dalka ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay, isgoo caddeeyay inuu ka soo digay, haddana uu ka digayo doorasho aan loo dhammeyn.
