Duulimaadkii ugu horeeyay ayey maanta magaalada Muqdisho ku timid diyaaradda Shirkadda Ethiopian Airlines, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay muddo 40 sano ka badan oo diyaaradaasi ay soo caga dhigato garoonka Muqdisho.
Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa hore u shaacisay inay duulimaad ganacsi oo rasmi ah ka bilaabi doono Garoonka Aden Adde ee magaalada Muqdisho oo toddobaadkiiba ay saddex jeer ka degi doonto, waxaana lagu waday inay duulimaadyadaasi bilowdaan 2-dii bishan.
Arrintan ayaa ka danbeysay heshiis ganacsi oo dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana hore duulimaadyo toos ah ku teageysay Muqdisho Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines oo ahayd shirkadda kaliya ee caalamiga ah ee ka howlgasha Muidsho.
Shirkadda diyaaraha ee Kenya Airways ayaa iyaduna dadaal ugu jirta inay duulimaad ka bilowdo Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.