Wednesday, June 25, 2025

Shirkii Afisyone oo la isu mari waayey iyo Xukuumadda oo fashilka ku eedeysay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Waxaa is faham waa’ kusoo dhammaadya shirkii Afisyoone ee maalintii saddexaad dhex maray Madaxda dowlada Federaalka iyo Mamaul Goboleedyada, iyagoo goor dhoweyd la soo xiray.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu diiday inuu ka tanaasulo dhammaan qodobadii miiska saarnaa ee ay dalbanayeen Madaxda Puntland iyo Jubbaland, waxaana shirka kadib ay Madaxtooyada Soomaaliya soo saartay war ay fashilka shirka ku eedeysay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa saxaafadda u kahriyey qoraal hore u diyaarsanaa oo lagu sheegay inuu shirku fashilmay, ayna sabab u yihiin maamullada Puntland iyo Jubbaland.

“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo. Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn”. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka uu akhriyey Wasiir Dubbe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON