Tuesday, June 24, 2025

Shirkii Afisyoone oo maalin kale dib u dhacay iyo Madaxweyne sabab u noqday

Shirkii Afisyoone ee madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada dalka ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, iyadoo lagu waday inuu maanta dib u furmo.

Shirkan oo la qorsheeyay inuu maanta oo Talaado ah dib u furmo, kadib 24 saac oo nasasho ah ayaa maalin kale lagu daray hakadka, iyadoo la sheegay inuu sabab u yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo weli ku maqan magaalada Dhuusamareeb.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegay inuusan shirku burburin ayaa caddeeyay inuu dib u furmi doono Arbacadda oo ay isugu soo laaban doonaan madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada.

Shirka Afisyoone oo ay qabanqaabisay Beesha Caalamka ayaa labadii maalmood ee Sabtida iyo Axadda lagu gaarin wax heshiis ah, waxayna wakiilada beesha caalamka u cadaadinayaan madaxda Soomaalida inay ka heshiiyaan ajendayaasha Shirka wadatashiga ee la isku mari la’ yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON