Monday, June 23, 2025

Shirkii Baarlamaanka Federaalka oo xarun KMG ah ka dhacaya & Guddoomiye Mursal oo…

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka furmay  magaalada Muqdisho, iyadoo uu marki ugu horreysay Guddoominayo guddoomiyaha cusub  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka oo ah fadhigii  7aad ee kalfadhiga saddexaad ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ajendhiisu yahay ka doodista iyo ansixinta Hab-maamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika.

Kulanka maanta ee Golaha shacabka waxaa soo xaadiray xildhibaanno dhan 140 iyadoo si dirqi ah loo helay Kooramnak, halka doorashadii Guddoomiyaha ee dhacday 30kii April ay fadhiyeen 266 Xildhibaan.

Ad

Golaha shacabka ayaa maanta ku shirkooda loo wareejiyay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay si kumeel gaar ah ugu sii shaqeynayaan inta Xarunta Golaha shacabka oo dayactir lagu sameynayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON