Sunday, June 22, 2025

Shirkii Dib u heshiisiinta Baydhaba oo furmay iyo Qodobka ugu weyn ee horyaalla

Shirkii Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Galabta ka furmay magaalada Baydhaba, iyadoo uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Shirka waxaa ka qeyb galaya madaxda, waxgaradka iyo haldoorka adka Koonfur-galbeed, waxaana ka dhex muuqda siyaasiyiinta mucaaradka K/Galbeed oo maanta gaaray magaalada, kadib waanwaan ay galeen madaxda dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaaradkooda, muxaafadka, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka laga rabo inay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.

Ad

Xasan Sheekh ayaa caddeeyay inuu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed inay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed inay heshiiyaan, dhabna ka yahay sidii shacabka reer Koonfur Galbeed ay u heli lahayeen midnimo iyo is dhexgal bulsho oo sababi kara in deegaannadan guud ahaan laga xorreeyo kooxda Khawaarijta Al Shabaab.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa u sheegay shirka inuu ku faraxsan yahay shirka ay u dhan yihiin bulshada K/Galbeed, isagoo xusay in wax aan jirin la isku heysto oo 5 KM ay go’doon ku yihiin dadka Baydhaba ku nool.

- Advertisement -

Shirka ayaa geli doona wadahalo toos ah waxaana horyaalla inuu xal u helo muddo kororsiga Madaxweyne Lafta-gareen iyo heshiis laga gaaro doorasho la isku waafaqsan yahay oo ka dhacda maamulka K/Galbeed.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal u galay inay Musharixiinta Mucaaradka K/Galbeed ogolaadaan sanadka dheeraadka ah ee Madaxweyne Lafta-gareen, kadibna doorasho la galo, si sanadkan inta ka dhiman loo xoojiyo dagaalka Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON