Sunday, July 13, 2025

Shirkii Golaha Amniga Qaran ee Muqdisho oo fashilmay & Shaki la geliyey Madaxweyne Farmajo

Waxaa markii labaad dib u dhacay shirkii Amniga Qaran ee madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka, sida uu madaxweyne Farmaajo shaaciyay in 19-ka Bishan April uu ka furmayo magaalada Muqdisho.

Martiqaadka madaxweyne Farmaajo u kala diray madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo beegmay xilli uu Muqdisho ku sugnaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana iyadoo aan wax sabab ah la sheegin isna baaqday shirkii Garowe ee madaxweyne Farmaajo iyo maamul Goboleedyada.

Caleemo saarkii madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa fursad weyn siiyey madaxweyne Farmaajo, iyadoo madaxweyne Deni uu shir isugu keenay madaxda dowlad Goboleedyada ee Garowe u tegay caleemo saarkiisa iyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo halkaasi hoos loogu dhigay xiisadii labada dhinac, laguna heshiiyey in bartamaha Maarso shir la isugu yimaado Garowe.

Shirkii Garowe ayaa warar u dhow Villa Somalia sheegayaan inuu u baaqday markii ay ka hor yimaadeen Ra’iisal wasaaraha iyo ku-simaha agaasimaha NISA oo iyaguna watay qorshe ay maamul Goboleedyada mid mid ula heshiinayaan, waxaana sidaasi loougu mashquualay heshiiskii Axmed Madoobe.

Madaxweyne Farmaajo oo shaki weyn laga muujiyey inuu daacad ka yahay heshisi dhex mara dowladda uu hoggaamiyo iyo maamul goboleedyada ayaa hadda wajaha xiisadii kala dhaxeysay maamul Goboleedyada oo dib u soo laabatay, waxaana muddo sanad ka dhow aan wax kulan ah yeelan Golaha Amniga Qaran.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu wadaa inay magaalada Nairobi isku arkaan dhowaan, iyadoo saddex ka mida iyo dowladda ay isku dhacsan yihiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON