Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo lagu waday inuu maanta oo Sabti ah dhaco 5-ta Disembar 2020 ayaa baaqday markii labaad iyadoo aan la sheegin sababta.
Shirkan oo ahaa shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ayaa dib loo dhigay, laakiin markii labaad ayuu maanta baaqday iyadoo xogheynta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ay ku wargelisay wasiirada inuu shirkii maanta isna baaqday.
Warar hore u soo baxay ayaa lagu sheegay in shirka Golaha Wasiirada uu madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in laga soo saaro go’aan culus oo ku saabsan maamulka Jubbaland, kaasoo loo aqoosanayo inaysan Doorasho ka dhici karin oo uu yahay dhul caddow ka taliyo.
Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga digay inuu arrintaasi aqbalo, kana ansixiyo golaha Wasiirada, sida uu qoraal uu soo saaray ku sheegay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur; waxaana baaqashada kulanka Golaha wasiirada markii labaad loo badinayaa inay arrintan sababtay.
