Sunday, July 13, 2025

Shirkii maanta ee Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo lasoo xiray iyo wararka laga helay..

Shirkii hordhaca ahaa ee madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa goor dhoweyd lagu soo gabagabeeyay xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo lagu sheegay inuu ahaa kalsooni dhis ayaa ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin oo aan loo ogolaan saxaafadda ayaa wararka laga helay sheegayaan in si adag looga dooday xaaladda ku wareegsan shirka iyo khilaafka u dhaxeeya dhinacyada.

Dooda ugu adag ayaa u dhaxeysay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, iyadoo la sheegay inuu shirku sii socon doono.

Shirarka hordhaca ah ayaa la sheegay inay sii socon doonaan berri oo Axad ah, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin kulankii maanta oo weli aan wax horumar ah laga gaarin sidii loo bilaabi lahaa shirka rasmiga ah ee wadatashiga.

Waxaa shirka ka qeyb galay Maxamed C/llaahi Farmaajo, Maxamed Xuseen Rooble, shanta madaxweyne ee maamul Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Amniga shirka waxaa sugayey ciidamada AMISOM.

Qaramada Midoobay soo dhoweysay wadahadalka madaxda Soomaalida, iyadoo ku boorisay inay heshiis ka gaaraan Doorasho dalku aado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON